Xanuunkii iyo Xiisihii Xamar Jadiid
![]() |
Xamar Jadiid 2020 |
Waxaan booqasho ku tagay xaafaddii aan ku dhashay ee xiisaha badnayd ee Xamar Jadiid oo aan kasoo qaxnay muddo 16sanno kahor dagaalo awgood.
Dhowr jeer oo aan horay u tagay iima suurta gellin inaan wax ka qoro xaafadaas oo xasuus gaar ah nagu leh aniga iyo qoyskeenna.
Xamar Jadiid, waxay ka tirsantahay degmadda Warta Nabadda ee Gobolka Benaadir. Waa xaafad leh jid-caddayaal waawayn iyo guryo waasac ah, balse biyo degeen ah. Dadka deegaanka waa kuwa aad isu yaqaanna, isu mar-xabeeya, haddana aan isu aabba-yeelin maalinta la is qabta. Dhallinyarada xaafadda waxyaabihii aadka loo xiisaynayay berigaas waxaa ka mid ahaay; gay-gaaynimo (in aad quwad isu yeesho) ciyaarista kubadda cagta maaddaama xaafaddu ay deris latahay Isbartiibadda (Istaadiyoom Muqdisho) iyo gelista shaleemooyinka oo waagaas aad loogu kac-sanaa.
Xamar Jadiid, waxay ahayd xaafad xiiso badan oo yaraantaydii carruurnimo aan ku soo qaatay. Waxaan ahayn qoys ballaarran oo ka kooban Hooyo iyo Aabbe, Ayeeyo iyo Awoowe hooyo dhalay, sidoo kale abtiyaal iyo habaryaro.
Waxaana waqtiga ugu badan la qaadan jiray qoys-keenna. Waxaan la ciyaari jirnay abtiyaal ka kooban laba lood. Lood iga madax fiiqan oo xoogaa yar iga waa waynaa iyo qaar saa’id iiga da' waynaa oo dhammaantood wada dhashay. Waxaana si qaas ah u wada cayaari jirnay abtiyaashayda qaarka aan da'ahaan is xignay. Halka loodka naga waa wayn ay ka mid ahaayeen dhalinyaradda xaafadda ee aan kor ku soo xusay ee Qamar-jiyaasha ah. Waxaan ahaa wiil ay abtiyaashiisu garbaha buuxaan oo hiil iyo hoo la garab taaganyihiin. Horaa waxaa loo yiri “Ninba ninkuu ka abti fiicanyahay wuu ka geesinnimo iyo dhiirro-naasho badan yahay. Laakiin maa caleesh! Qamarji waan noqon waaye.
![]() |
Saaxibkey Cabdulqadir ugaas. Xamar Jadiid 2020 |
Xaqiiqdii, maalmuhu waxay ahaayeen kuwa mar la arag ah oo xiiso badan. Waxaa jirtay in Jimco waliba ay noo imaan jirtay Ayeeyo Caasha Jaamac oo ii ah Ayeeyo labbaad oo ah Hooyo Ayeeyo-deeda.
Waxay noo kayni jirtay nooc waliba oo mac macaan ah iyo miraha dalka oo kala duwan sida; Cambe, Isbaandhees, Moos sokori iyo Canuuni, oo waaba ku tashan jirnay Jimco waliba. Gurigana waxaa la karin jiray maalintaas Baasto dhaadheer. Ma aqaan dadku waagaas sababtu ay maalinta jimcada uun Baasto u karsan jireen, [Malaha Baastada ayaa qaali ahayd, mooji]. Ayeeyo Caasha Waa qof naxariis iyo damqasho badan carruurtana aad u jecel, markii la maago in nala canaanto oo qof wayn Ul soo qaato waxaan ku ordi jirnay Taleefoonkii la dhihi jiray Line-Line-ka anaga oo qadka soo gelin jirnay Ayeeyo si ay nooga celiso. Nasiib wanaag, qofkii ay mar lahadasho war kayda wuu qaadan jiray Ushanna wuu iska dhigi jiray.
Waa billowgii 2007, waxaa magaaladda Muqdisho si tartiib tartiib ah u soo galay ciidankii Itoobiyaanka. Waxayna farriisin ciidan ka dhigteen Warshaddii Baastada, Xayle Bariise, Miisaanka dhuxusha, Xaruntii Xisbiga, Stadium Muqdisho iyo Isgoyska Cali Kamiin oo dhamaantooda deris la'ah Xamar Jadiid. waxaana qarxay dagaalkii ladhihi jiray fooriyaaye ee u dhaxeeye ciidankii Itoobiyaanka iyo Muqaawamadda. Fooriyaaye waa nooc ka mid ah hubka wax gummaada ee loo yaqaanno Hoobiyaha. Dagaalkii ugu qaraaraa wuxuu dhacay maalin Jimco ah waxaana ku dhamaaday shacab farabadan, waana maalinta aan kasoo qaxnay Xamar Jadiid oo aanan dib dambe ugu fekerin in aan deegaan kusii ahaanno. Waxaa dhacday maalintaas in dhammaan qoyska aan iskugu imaanay hal barando(daashka) oo aan u arkayne shub inay tahay, isla markaana aan ku fekerayno in haddii uu hoobiye soo dhaco shubkaas gabbaad noo noqon karo, balse xaalka Alle ayaa ogaa!. Ciidankii Itoobiyaanka Waxay si darandoori ah xaafadda ugu garaacaayeen hubka nooc-yadiisa culus. Mar dambe wararka qaar waxaan ku maqalnay in naag Amxaaro ah oo dhagool ahayd in dagaalka looga dilay ninkaydii ayadane ay dabaqa ugu dheer xaafadda lafuushay qori ladhihi jiray B10, guri walbana ay ku garaacayse.
Hoobiye ayaa ku soo dhacay guriga naga dambeeya, midka bidix naga xiga, iyo midka midig naga xiga oo deriskaynii ay ka qexeen intoodaba.
Aabbe ayaa damcay inuu baxo oo baabuur(gaari) noo doono si uu noo daad gureeyo. Haddaba maxaa dhacay inta aan aabbe albaabka furin?
Waxay is qabsadayn abti oo u arkaayay in magaaladu halis tahay oo aan la bixi karin, waxaa soo booday abti kale oo dhahay waa inuu baxaa haddii kale qoyska oo idil ayaa dhammaanaya, intii ay murmaayeen waxaa hoobiye ku soo dhacay gurigii naga soo horjeeday, firarkiisa ayaa gurigayna hortiisa ku soo dhacay. Mutuleel soo booday ayaa Aabe madaxa kaga dhacay. Sidii ayuu Aabbe asiga oo dhiig ka socda tabeebbe (maro yar) madaxa loogu xeray, si dhiigga loogu celiyo, wuuna dhaqaaqay.
Markii uu gaarigii keenay Aabbe, Ayeeyo oo si tartiib ah haloo saaro la lahaay ayaa si deg-deg ah keligayda ku fuushay gaarigii. Habaryar oo canug xambaarsan ayaa gaariga oo Caasi (Hoomey) ahaay qaybta gadaalle (Raaxeeye) ka fariisatay. Xaalka qof waliba wuxuu ahaay, Allow mar nabixi. Sidaas ayaan ugu soo qaxnay degmadda Waberi oo muddo 16 sano ka dib illaa haatan aan ku noolnahay aniga iyo qoyskeyga intaba.
Cajiib weeye Cabdiyoow
ReplyDeleteMaygaag, Mahadsanid saaxiib😊
Delete