Dhowr arrimood oo kaa caabinaya in maalintadu wax soo saar lahaato.
Bani'aadamku waxa uu macno leeyahay in maalintiisu wax soo saar lahaato (productivity) sida uu niyadda ka jecelyahay. Haa, waa sida aan niyadda ka jecelnahay balse shaqo adag iyo ka go'naasho qofeed ayay rabtaa.
Waxaa dhab ah, in badankeennu aan dareenno, macno-darro, shallaay iyo in aan waxba noo soo kordhin oo aan nafteenna carro u qaadno, marka uu maalinteennu ku soo idlaato maalin aan waxba noo qabsoomin haba yaraatee waxii aan jeclaan lahayn.
Waxaa jirta oraah caan ah oo dhahaysa "Adigu ma go'aamisid mustaqbalkaga ee waxaa go'aamisaa caadooyinkaga maalin laha ah, caadooyinkaga ayaa go'aamiya mustaqbalkaga". Waa oraah dhab ah, oo halkaas waxaan ka ogaan karnaa haddii caadooyinkeennu ay noqdaan kuwo wax tar leh ay go'aaminaayaan mustqablkayna halka uu ku dambayn doona.
Waxaan halkan kugu soo gud-binayaa, Shan qodob oo aan isleeyahay way kaa caabinayaan in maalintaadu wax soo saar lahaato.
1. Goor hore isdiyaari
Wax waliba oo aad qabanayso goor hore isu diyaari, tusaale; waxay ila tahay waxa ugu horreeyo oo aad qabanayso maalintadu waa u kicidda salaadda subax, ugu yaraan 20 daqiiq kahor u kac, isuna diyaari labaatan kaas daqiiqo, adiga oo nadiif ah, carfaya, Allaha ku abuuray hor istaag waydiiso waxa aad rabto, xaqiiq waad helaysaa wax waliba oo aad Alle waydiisato. Haddii aadan u kicin salaadda subax billow hadda waa iga tallo, adiga ayuun kheyr iyo wanaag kugu jiraa.
2. Wax akhri!
Waxay ila tahay inaad dhowr meel ku aragtay wax aqri, wax akhrintu waa muhiim iyo dhowr kelmadood oo dhiiri-gelinaya faa’iidada ay leedahay in wax la aqriyo, balse taas kasoo tag maanta, tan ila fiiri, yuusan gor gortan kaa gelin wax aqrisku oo caado ka dhiggo inaad wax aqriso, faaidada wax aqrisku uma baahnid in uu qof kaga sheekeeyo adiga ayaa arkaya. Teedakale sideedaba waxaa wax loo aqriyaa, maxaa waajib ah iyo maxaa waxtar ii leh. Qur'aanka iyo kutaabta diinigga ah waa waajib, waxii kasoo hara u aqri maxaan ka faaiidaa iyo xariir mala leeyihiin waxa aan barto ama aan ka shaqeeyo.
3. Shaqooyinkaga maalin laha ah mida ugu adag hor qabo.
Tanni dhowr jeer ayay dhacdaa inaan dib u dhiganno howlo aan u aragno inay adag yihiin balse muhiim ah, qor howlahaaga maalin laha ah, mid waliba mida ay ka muhiim santahay u qabo, tusaale, waxaa kuu yaallo shaqo guri (home work) oo lagaaga soo diray Jaamacadda ama iskuulka, waxaad ku darsataa howlahaaga mida ugu adag, waayo mar waliba oo aad dib u dhigato waqtiga ayaa kaa dhamaanaya, waxaana lagaaraa xilligii lagaa rabay.
4. Labba shaqo halmar isku qabo
In labba shaqo halmar la isu qabto waxay lamid tahay adiga oo isticmaala hal'abuurkaga, mar walibana oo aad isticmaasho hal'abuurkaga waa adigoo fududeeye howlahaaga. Tusaale yar subaxii inta aadan gurigga ka bixin, marka aad quruucda u fudhiso waxaa jeceshahay in aad moobeelkaga isticmaasho adiga oo fiirinaya waxii update ah oo jirra, taas badalkeeda waxaa ku badalan kartaa inaad dhagaysato maqaal cod duuban (Podcast) oo faaido leh ama waxaad daaban kartaa muuqaal gaaban oo faaido leh sida; tafsiir, kooris kuu socday ama muuqaal dhiiro gelin ah oo ku saabsan shaqooyinka aad qabato ama aad jeclaan lahyd inaad ka shaqayso.
5. Jimicsi joogto ah samee
Jimicsiga oo joogto loo sameeyo waxa uu kor u qaadaa kalsoonidaada nafeed (Self Confidence) jirkaaguna waxa uu u diyaar garoobaa inuu qabto howlo farro badan.
Sido kale jimicsiga waxaa laga helaa firfircooni waana dabeecad fiican in aad leedahay jadwal joogto ah oo jimicsi ah. Wuxuuna kaa caabinayaa in maalintaadu ay ku soo idlaato mid wax soo saar leh.
Comments
Post a Comment