Safar-kayga Jowhar

 Billowgii sannadkii 2021 waxaan safar gaaban oo dhulka ah aan ku tegay magaalada Jowhar, oo caasimadda Muqdisho u jirto 90KM, kadib markii aan dhammeeyey Jaamacadda dabayaaqadii 2020.

Jowhar, waa magaala madaxda gobolka Shabellaha Dhexe, waana caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle, oo ah dowlad goboleedkii u dambeeyay ee laga dhiso Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya

Waxay ahayd 28-kii Febraayo 2021, maalin Isniin ah oo ay qorraxdu kulushahay. Waxaan soo gaaray magaaladda Jowhar anigoo safar dhulka ah Muqdisho ugu soo baxay, Jowhar marka dhulka laga soo galaayo, waxaa jira bar hubin “Checkpoint” oo ay ciidanku leeyihiin, kaas oo lagu hubinaayo dadka soo galaayo magaalada sababo amni dartood, waa inaad sheegto ujeedka aad u socoto iyo cidda kuu joogta magaalada oo aad ku degi rabto.

Waa markii iigu horreysay oo aan Jowhar imaado xiiso gaar ah ayaan u qabaa imaatinka magaaladan oo dhowr jeer aabbe iiga sheekeeyay xilli uu la shaqayn jiray maamulkii Maxamed Dheere AHN.

Maxamed Cumar Xabeeb oo loo yaqaanno ‘‘Maxamed Dheere’’ waxa uu ahaa siyaasi samayn badan oo reer Jowhar ahaa, gaar ahaan xilligii dowladdii Cabdullaahi Yuusuf uu Madaxwaynaha ahaa (2004-2008), wuxuuna soo noqday guddoomiyaha gobolka Shabellah Dhexe iyo Benaadir isaga oo markii dambe ku geeriyooday Muqdisho 2012.

Markii aan magaalada gudaha u sii galay waxaan arkay ciidamada Amisom oo hal saf aadna u dheer ku socda oo magaalada dhexdeeda lugaynaya, iyagoo garbaha ku wata hubka noocyadiisa culus, waxay ila noqotay wax filan waa ah, sababtoo ah magaalada aan ka imid ee Muqdisho ciidanka Amisom sidan uguma dhex lugeeyaan oo ayagoo gaari qafilan kor ka saaran ayaad arkaysaa.

Cimiladda Jowhar waa mid kulul oo qorraxdu saa'id tahay, todobadii cisho ee aan joogay magaalada marka lago soo tago laba maalin inta kale waxaan magaalada u bixi jiray galabtii waxii ka dambeeya, waayo gelinka hore qorraxda ayaa ahayd mid kulul oo ii saamixi waysay inaan magaalada aado, inkastoo dadka reer Jowhar ay si caadi ah suuqyada u aadi jireen.

Dadka deggan Jowhar,  waa kuwo qalbi fiican oo soo dhawaynta ku wanaagsan. Qof walibana waxa uu ku mashquulsanyahay howshiisa gaarka ah. Sido kale dadka reer Jowhar waa ganacsato magaalada Muqdisho badeeco kasoo dhoofsada, waxaana macmiil u ah bulshada ku nool tuulooyinka ku hareersan magaaladda ayagoo todobaadkiiba mar oo maalinamada Sabtida u soo adeeg doonta. Sabtida dadka reer Jowhar iyo tuulooyinka ku hareersan waxay u yaqaaniin maalinta suuqa oo tiro dad aad u badan ayaa u imaada inay wax iib sadaan.

Jowhar, waxaa mara wabiga Shabelle oo waxay caan ku tahay dhul beereed ayadoo dadka reer Jowhar ay aad u cunaan dalagga kasoo go’a beeraha in kabadan inta ay cunaan hilibka.

Intii aan joogay Jowhar waxaan nasiib u yeeshay inaan booqdo goobaha taariikhiga ah ee magaaladda sida:- Xiintooy oo ah meel biyo kasoo daataan oo dhagax sare ah, isla markaana leh labo jaran-jaro oo wabiga hoostiisa ah. 

Xiintooy

Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, Xiintooy waa meel aad u mashquul badan oo dad badan ayaa u yimaada inay sawirro ku galaan, halka qaar kale ay dabaal u yimaadaan. 

Jowhar, waa magaalo ay ku hareersanyihiin dhul beereed. Waxaan aaminsanahay, Haddii la sugo ammaanka magaaladaas iyo deegaannada ku hareersan, loona helo maalgashi waxaa hubaal ah in wax soo saarka magaaladaas uu quudin karo malaayiin Soomaali ah. Halkaas waxaan ka ogaan karnaa in Soomaaliya ay leedahay khayraad ku filan, balse ay ragaadisay maamul xumo iyo ka faa'iidaysi la'aan.

Comments

Popular posts from this blog

Dhowr arrimood oo kaa caabinaya in maalintadu wax soo saar lahaato.

Xanuunkii iyo Xiisihii Xamar Jadiid