Xanuunkii iyo Xiisihii Xamar Jadiid

Xamar Jadiid 2020 Waxaan booqasho ku tagay xaafaddii aan ku dhashay ee xiisaha badnayd ee Xamar Jadiid oo aan kasoo qaxnay muddo 16sanno kahor dagaalo awgood. Dhowr jeer oo aan horay u tagay iima suurta gellin inaan wax ka qoro xaafadaas oo xasuus gaar ah nagu leh aniga iyo qoyskeenna. Xamar Jadiid, waxay ka tirsantahay degmadda Warta Nabadda ee Gobolka Benaadir. Waa xaafad leh jid-caddayaal waawayn iyo guryo waasac ah, balse biyo degeen ah. Dadka deegaanka waa kuwa aad isu yaqaanna, isu mar-xabeeya, haddana aan isu aabba-yeelin maalinta la is qabta. Dhallinyarada xaafadda waxyaabihii aadka loo xiisaynayay berigaas waxaa ka mid ahaay; gay-gaaynimo (in aad quwad isu yeesho) ciyaarista kubadda cagta maaddaama xaafaddu ay deris latahay Isbartiibadda (Istaadiyoom Muqdisho) iyo gelista shaleemooyinka oo waagaas aad loogu kac-sanaa. Xamar Jadiid, waxay ahayd xaafad xiiso badan oo yaraantaydii carruurnimo aan ku soo qaatay. Waxaan ahayn qoys ballaarran oo ka kooban Hooyo iyo Aabbe, Ayee...