Posts

Showing posts from March, 2023

Dhowr arrimood oo kaa caabinaya in maalintadu wax soo saar lahaato.

Image
  Bani'aadamku waxa uu macno leeyahay in maalintiisu wax soo saar lahaato (productivity) sida uu niyadda ka jecelyahay. Haa, waa sida aan niyadda ka jecelnahay balse shaqo adag iyo ka go'naasho qofeed ayay rabtaa. Waxaa dhab ah, in badankeennu aan dareenno, macno-darro, shallaay iyo in aan waxba noo soo kordhin oo aan nafteenna carro u qaadno, marka uu maalinteennu ku soo idlaato maalin aan waxba noo qabsoomin haba yaraatee waxii aan jeclaan lahayn. Waxaase xaqiiq ah, in aan ku jirrno xilli ay wax waliba si deg deg ah ku socdaan oo aad mooddo in ay isku midyihiin, il-biriqsiga iyo maalinimadu sida ay kuu dhaafayso, sidaas ay tahay waa inaan ka faa’idaysannaa afar iyo labaatanka saac ee uu Eebbe nasiiyay oo aan ku samayno wax macno leh, si maalinteennu ay mid wax soo saar leh noogu noqoto. Waxaa jirta oraah caan ah oo dhahaysa "Adigu ma go'aamisid mustaqbalkaga ee waxaa go'aamisaa caadooyinkaga maalin laha ah, caadooyinkaga ayaa go'aamiya mustaqbalkaga". Wa...