Posts

Showing posts from February, 2023
Image
Safar-kayga Jowhar  Billowgii sannadkii 2021 waxaan safar gaaban oo dhulka ah aan ku tegay magaalada Jowhar, oo caasimadda Muqdisho u jirto 90KM, kadib markii aan dhammeeyey Jaamacadda dabayaaqadii 2020. Jowhar, waa magaala madaxda gobolka Shabellaha Dhexe, waana caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle, oo ah dowlad goboleedkii u dambeeyay ee laga dhiso Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Waxay ahayd 28-kii Febraayo 2021, maalin Isniin ah oo ay qorraxdu kulushahay. Waxaan soo gaaray magaaladda Jowhar anigoo safar dhulka ah Muqdisho ugu soo baxay, Jowhar marka dhulka laga soo galaayo, waxaa jira bar hubin “Checkpoint” oo ay ciidanku leeyihiin, kaas oo lagu hubinaayo dadka soo galaayo magaalada sababo amni dartood, waa inaad sheegto ujeedka aad u socoto iyo cidda kuu joogta magaalada oo aad ku degi rabto. Waa markii iigu horreysay oo aan Jowhar imaado xiiso gaar ah ayaan u qabaa imaatinka magaaladan oo dhowr jeer aabbe iiga sheekeeyay xilli uu la shaqayn jiray maamulkii Maxamed Dhee...